Tani waa BBU

Tani waa BBU

Haddii aad u baahan tahay gargaar (Haddii aadan haysan wax lacag ah), BBU waxay mas’uul ka tahay hoygaaga, daryeelkaaga iyo taageeradaada gudaha xarumaha federaalka ee daryeelka. Sidoo kale, BBU waxay bixisaa latalin sharci ah oo la xiriirta nidaamka magangalyada.
Haddii aad rabto inaad dib ugu laabato dalkii aad ka timid, waxaad la xiriiri kartaa la-talinta dib-u-noqoshada ee BBU.

BBU LATALINTA SHARCIGA

BBU waxay bixisaa latalin sharci iyo wakiil sharci ah kahor, Xafiiska Federaalka ee Arrimaha Ajaanibta iyo Magangalyada (BFA) iyo Maxkamadda Maamulka Federaalka (BVwG) :

  • Codsi magangalyo caalami ah (ogolaansho iyo diidmo)
  • Go’aamo lagu joojinayo joogitaanka (go’aanka dib-u-noqoshada, mamnuucidda soo-galka, masaafurin, iyo mamnuucidda joogitaanka)
  • Xabsiga tarxiilka

Waxaad warbixin dheeraad ah ka heli kartaa meesha aad degan tahay ama internetka adigoo adeegsanaya xiriirkan.

LA-TALINTA DIB-U-NOQOSHADA EE BBU

Haddii aad rabto inaad Dalkaaga ku noqoto, BBU ayaa kaa caawin karta. Shaqaalaha la-talinta waxay ku siiyaan warbixin ku saabsan suurtogalnimada safarkaaga, taageerada laga heli karo dalkaaga hooyo, waxayna kaa taageeraan abaabulka dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa hoygaaga ama internetka adigoo adeegsanaya Linkigaan haddii aad Doonayso inad la xiriirto lataliyayaasha Dib-u- celinta BBUda.

Adeegyada aasaasiga ah ee BBU

Adeegyada aasaasiga ah ee BBU waxaad ku helaysaa hoy gudaha xarun daryeel federaali ah (BBE) iyo adeegyada soo socda:

  • Hoy oo ay ku jirto cunto
  • Daryeel caafimaad
  • Jeeblacag, mararka qaar waxay ku xiran tahay inaad ka qaybqaadato hawlo iskaa-wax-u-qabso ah iyo inaad ka qaybgasho koorsooyinka xeerarka aasaasiga ah ee BBU
  • Dhar qiimihiisu yahay ugu badnaan €150 sanadkii (looma bixinayo lacag caddaan ah)
  • Agab waxbarasho oo qiimihiisu yahay ugu badnaan €200 sanadkii caruur kasta oo waajib ku ah tagista iskuulka (looma bixinayo lacag caddaan ah)

Waad ku kalsoonaan kartaa shaqaalaha BBU, waxay diyaar u yihiin inay ku caawiyaan.

Astaanta BBU

 

Haddii aad aragto astaantan, waxaad joogtaa xarun daryeel ama la-talin oo ka tirsan BBU. BBU waxay ka tirsan tahay dowladda Austria.

 

Waxyaabaha aysan BBU qaban

BBU ma go’aamiso codsigaaga magangalyada, codsiga dib-u-midaysiga qoyska ama codsiga aad ugu safri lahayd qoyskaaga waddan kale oo EU-da ka tirsan. Arrimahaas waxaa go’aamiya Xafiiska Federaalka ee Arrimaha Ajaanibta iyo Magangalyada. Waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go’aankaas, waxaana markaas go’aanka ka dambeynaya Maxkamadda Federaalka ee Maamulka. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraaca magangalyada waxaad ka heli kartaa bogga: Habka magangalyada 

Sidoo kale, BBU ma go’aamiso goorta laguu wareejinayo xarun hoy oo ka tirsan adeegyada aasaasiga ah ee gobolka, mana go’aamiso gobolka lagugu qaabilayo. Tani waxaa go’aamiya xarumaha adeegyada gobollada, kuwaas oo aan ka tirsanayn BBU.

addii aad qabto su’aal ama dhibaato oo aanay shaqaaluhu kaa caawin, noo sheeg.

Waxaad la hadli kartaa shaqaale kale, tagi kartaa Infopoint-ka, buuxin kartaa foomka jawaab-celinta ama iimayl u diri kartaa: feedback.grundversorgung@bbu.gv.at ama ombudsstelle.rechtsberatung@bbu.gv.at.