Imaanshaha Awstiriya

Imaanshaha Awstariya

Qof kasta oo magangelyo ka dalbada Awstariya (ama uu “codsiyo magangelyo”), waxaa la geeyaa meel ammaan ah. Haddii aadan haysan lacag kuu gaar ah, waxaa lagu geeyaa xarun daryeel. Xaruntan daryeelku waa meel si nidaamsan loo habeeyay oo aad la deggan tahay dad kale, lagaa siiyo qol, cunto, dhar iyo daryeel caafimaad.

 

MACLUUMAAD KU SAABSAN CARRUURTA KA YAR 18 SANO
Ma ka yar tahay 18 sano? Ma kaligaa ayaad u timid Awstariya adiga oo aan waalid la socon? Marka hore waxaa lagu geynayaa xarunta daryeelka ee Traiskirchen oo ku taalla gobolka Niederösterreich.

 

Dhamaan xarumaha daryeelka, waxaa kugu soo dhaweynaya shaqaale. Shaqaaluhu way ku waydiinayaan: “Ma gaajeysan tahay?” ama “Ma u baahan tahay dhar?” Waxay sidoo kale ku waydiinayaan magacaaga, da’daada iyo macluumaad kale oo muhiim ah. Waxaa lagu siinayaa qol aad la wadaagto dad kale oo sidoo kale magangelyo ka codsaday Austria.

Markaad timaaddo, waxaad heli doontaa kaarka nidaamka dacwadda (Verfahrenskarte). Kaarkan waa muhiim. Waa inaad MAR WALBA wadataa. Haddii booliisku ku waydiiyo, fadlan u muuji kaarkaaga.

 

Waxaa jira laba nooc oo kaararka nidaamka dacwadda ah:

Marka hore, waxaad heli doontaa kaarka cagaaran:

Tani waxay la micno tahay in nidaamka oggolaanshaha (Zulassungsverfahren) uu bilaabanayo (nidaamkani waa qayb ka mid ah geeddi-socodka magangelyada – waxaad halkan ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah). Waad ka bixi kartaa xarunta daryeelka, laakiin waa inaad raacdaa xeerarka guriga (tusaale ahaan, inaad ugu dambeyn 22:00 fiidnimo kusoo noqoto). Kaarka cagaaran adigoo wata ma awoodo inaad si xor ah ugu safarto Austria gudaheeda – taas waxaa lagu magacaabaa xaddidaadda goobta (Gebietsbeschränkung). Weydii xarunta daryeelka sida fog ee aad u safri karto adigoo wata kaarka cagaaran.

Haddii oggolaanshahaaga la aqbalo, waxaad heli doontaa kaarka cad: Waxaa lagu badali doonaa degaan kale o ad ku noolaato. Waxaa laga yaabaa in lagugu geeyo gobol kale oo Austria ka mid ah. Mararka qaar, waxay qaadan kartaa waqti ilaa meel cusub la helo. Haddii aad qaraabo ku leedahay gobol gaar ah, waxaa la isku dayayaa in arrintaas la tixgeliyo. Waa muhiim: shirkadda BBU GmbH ma go’aamiso gobolka lagugu dejinayo mana saamayn karto go’aankaas.

 

MACLUUMAAD KU SAABSAN CARRUURTA KA YAR 18 SANO
Mar walba waad weydiin kartaa lataliyaha sharci ee kuu xilsaaran. Qor lambarka taleefanka qofka mas’uulka kaa ah.

 

Intee ayaad joogaysaa xarunta daryeelka ee BBU?

Muddada aad ku jiraysid xarunta daryeelka ee BBU waxay ku xiran tahay sida ay u socoto dacwaddaada magangelyo.

Marka hore, Xafiiska Federaalka ee Arrimaha Ajaanibta iyo Magangelyada (BFA) wuxuu baarayaa haddii codsigaaga magangelyo lagu go’aaminayo gudaha Austria (= geeddi-socodka oggolaanshaha). Haddii aadan lahayn lacag kuu gaar ah, intaas oo dhan waxaad ku sugan tahay xarun daryeel oo BBU ah.

MACLUUMAAD DHALINYARADA KA YAR 18 JIR
Waxaa laga yaabaa inaad u guurto dal kale oo qoyskaagu ku sugan yahay. Haddii Austria mas’uul ka noqoto codsigaaga, waxaad u wareegaysaa xarun kale oo aad halkaa kula kulmi doonto khubaro kale. Carruurta iyo dhallinyarada qaarkood waxay muddo dheer joogaan BBU.

Haddii aad rabto inaad si toos ah ugu guurto qaraabadaada ama saaxiibbadaa oo aad halkaas si joogto ah u degganaato, waxaad codsan kartaa “guurid gaar ah” (= Privatverzug). Tani waxay la micno tahay inaad si gaar ah u degayso, laakiin isla markaas aad ka tanaasusho dhammaan adeegyadii aasaasiga ahaa (tusaale ahaan caymiska caafimaadka). Haddii aadan rabin inaad ka tanaasusho adeegyadii aasaasiga ahaa, waa inaad sugtaa oggolaanshaha gobolka kahor intaadan u guurin gurigaaga gaarka ah. Weydii Infopoint-ka ku yaalla xarunta daryeelka si aad u hesho macluumaad dheeraad ahen.

Boggii hore:
Tani waa BBU
Shaxda tusmada
U laabo dulmarka
Akhriska sii wad:
Yaa ah maxay?