Waxaad hadda joogtaa Awstriya. Waxaan rajaynaynaa inaad ku timid nabad iyo caafimaad wanaagsan.
Bogaggan (websaydkan) waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan nidaamka magangalyadaada iyo hoygaaga gudaha Austria. Macluumaadkan wuxuu ku tusi doonaa xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga. Waxaan kugula talineynaa inaad si wanaagsan u barato nidaamka magangalyada iyo shuruudaha hoyga, si aad u fahamto waxa adiga muhiim kuu ah.
Awstriya waa wadan ku yaal Yurub. Awstariya waa xubin ka tirsan Midowga Yurub (EU). Midowga Yurub wuxuu ka kooban yahay 27 waddan, sida Jarmalka, Faransiiska, Hangari iyo Giriiga. Caasimada wadanka Awstriya waa Vienna.
Ma ka baqaysaa? Ma jiraa qof kuu hanjabayaa? Fadlan la hadal booliiska.
Ma rabtaa macluumaad dheeraad ah? Ma jiraan wax ku saabsan habraaca magangalyadaada oo aadan fahmin? Ma jiraan qeybo ka mid ah habraaca magangalyadaada oo ka duwan waxyaabaha halkan lagu sharaxay? Taasi way dhici kartaa.
Fadlan la hadal qof aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan: lataliyahaaga sharciyeed, xubin ka tirsan shaqaalaha xeradaada BBU ama qof ka socda hay’ad gargaar (Waxaa ka helaysa Macluumaadka halkan).
Waxaad leedahay xuquuqo waana inaad ka warqabtaa. Waxaad heli kartaa caawimaad.
MACLUUMAADKA DHALINYARADA KA YAR 18 JIR |
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, iyo waalid la´aan aad Awstariya joogtid, waxaa ku mataleysa BBU dhinaca la talinta sharciga bilawga habraacaga magangalyo. |