Hoyga inta lagu jiro habraaca magangalyada

Infopoint (xarunta macluumaadka)

Xagee ku nooshahay? Ma waxaad joogtaa Traiskirchen ama xero kale oo BBU ah? Waxaad macluumaadka ka heli kartaa ”Infopoint“. Waxaad sidoo kale heli doontaa khariirada xerada iyo agagaarka xerada. Waxay ku tusinaysaa fogaanta laguu oggol yahay inaad la aado kaarka cagaaran.

Su’aal gaar ah ma qabtaa? Xarunta Infopoint waxaad sidoo kale heli kartaa xiriiryada hay’adaha ku caawin kara (Macluumaadka iyo xiriirka xarumaha la-talinta ayaa sidoo kale laga heli karaa halkan: Ciwaannada iyo ururada).

Traiskirchen, albaabka laga galo Infopoint wuxuu u eg yahay sidan:

 

Dharka

Ma u baahan tahay jaakad diiran ama kabo? Waxaa dhar lagaa siinayaa goobta dharka lagu bixiyo.

Waxa aad helaysaa dhar qiimihiisu yahay 150 yuuro sanadkii. Xitaa haddii aan la hubin in lagu siin doono magangelyo ama haddii aad rabto inaad sii joogto Awstaria, waxaad halkan ku noolaan doontaa dhowr toddobaad ama bilooyin.

 

Sidaas darteed si fiican uga taxdir dharkaaga – haddii aad lumiso ama aad illowdo inta lagu jiro wareejintaada, way adkaan kartaa inaad hesho dhar cusub.

 

Cuntada

BBU waxa ay leedahay wakhtiyo cunto bixineed oo go’an. Xarunta Infopoint ka hubi si aad u ogaato wakhtiyada cunto bixinta.

Haddi aad kari weydo in aad cuntada xilligeeda tagto sababo la xiriira inaad dhigato kooras, aad ku maqan tahay goobta dhakhtarka ama ay tahay in aad waraysi aado, si hormaris ah ugu sheeg xubin ka mid ah shaqaalaha: waxaa lagu siin doonaa qado bacaysan.

Goobta BBU, hilibka doofaarka marnaba laguma daro cuntada. Miyaadan jeclayn cuntada? U sheeg shaqaalaha daryeelka!

Hurdada

Waa inaad seexataa xerada. Shaqaalaha daryeelka waxay hubiyaan in qof walba uu joogo iyo in kale. Haddii aadan ku qanacsanayn qolkaaga, la hadal shaqaalaha daryeelkaaga.

Haddii aadan ku soo noqon xerada waqtigii loogu talagalay, waa inaadan seexan wadada. Taasi waxay noqon kartaa khatar.

 

MACLUUMAADKA DHALINYARADA KA YAR 18 JIR
Fadlan ha seexan waddooyinka! Ka fiiri khadka ama eeg bogga 35-aad halkan ka eeg si aad u aragto haddii ay kuu dhowdahay hoy loogu talagalay dhallinyarada xilliyada xaaladaha degdegga ah. Xarumahaas waa lacag la’aan. Khasab ma aha in aad magacaaga sheegto. Si toos ah ugu noqo xerada maalinta xigta.

Fadlan HA sii wadin safarkaaga kaligaa, xitaa haddii sugitaanka uu wakhti dheer qaadanayo. Tani waa khatar. La hadal shaqaalahaaga daryeelka ama lataliyahaaga sharciyeed.

REMU – shaqada mutadawacnimada (mushahaar leh)

Haddii aad rabto, waxaad ka shaqayn kartaa xerada oo lacag ayaad ka heli kartaa. Tusaale ahaan, waxaad gacan ka geysan kartaa inaad nadiifiso xerada ama ka shaqeyso beerta. Waxaad heli doontaa EUR 1.60 halkii saac oo aad shaqeyso. Shaqadu waa ikhtiyaari, taas oo macnaheedu tahay in aad samayn karto haddii aad rabto, laakiin maahan khasab inaad sameyso. Waydii shaqaalaha daryeelkaaga ee xerada haddii aad rabto inaad u shaqeyso REMU ahaan (shaqo mutadawacnimo oo mushahar leh)!

Gudbin

Muddo kadib, waxaa lagu siin doonaa meel cusub oo aad degto.

Waxa laga yaabaa in laguu raro qayb kale oo Awstiriya ah, gobol kale oo federaal ah. Waxay qaadan kartaa wakhti in meel la helo. Fadlan isku day inaad samirto. Waanu ognahay inay adag tahay.

 

Waxaa laga yaabaa in laguu wareejiyo xero kale oo BBU ah – waxaa lagugu wargelin doonaa arrintaan kahor intaan lagu wareejin. Xeradaas cusub ee BBU, waxaa sidoo kale joogi doona shaqaale daryeel oo wata jaakado jaale ahh, dhakhtarka cilmi-nafsiga iyo dhakhtar caafimaad.

Xeriyada aan lahayn BBU sidoo kale waxay leeyihiin shaqaale daryeel kuwaas oo ku caawin doona. Waxaa sidoo kale jira khubaro kale oo ku caawin doona.

 

Dhib ma ku qabtaa xerada?
Xerada maku dareentaa raaxo la’aan? Si xun miyaa laguula dhaqmaa? Ma jiraan wax aad si degdeg ah ugu baahan tahay inaad qof ugu sheegto? La hadal shaqaalaha daryeelka ama tag xarumaha la-talinta (sidoo kale waxaad macluumaadka iyo xiriirada xarumaha latalinta ka heli doontaa inta: Ciwaannada iyo ururada).

Boggii hore:
Yaa ah maxay?
Shaxda tusmada
U laabo dulmarka
Akhriska sii wad:
Habraaca magangalyada