Salaam! Maalin wanaagsan!

Salaam! Maalin wanaagsan!

Waxaad hadda joogtaa Awstriya. Waxaan rajaynaynaa inaad ku timid nabad iyo caafimaad wanaagsan.

Macluumaadkani wuxuu sharxayaa habraaca magangelyo doonimada ee wadanka Awstriya. Macluumaadkani wuxuu wax kaaga sheegayaa xuquuqahaaga iyo waajibaadkaaga. Baro habraaca magangalyada. Waa inaad fahantaa sida uu u shaqeeyo.

Macluumaadkaan adiga ayaan kuu diyaarinay. Waxaan nahay koox khubaro iyo dhalinyaro ka kooban oo ku jira habraaca magangalyada. Waxaan macluumaadkaan usoo qornay si wadajir ah.

Awstriya

Awstriya waa wadan ku yaal Yurub. Awstariya waa xubin ka tirsan Midowga Yurub (EU). Midowga Yurub wuxuu ka kooban yahay 28 waddan, sida Jarmalka, Faransiiska, Hungary iyo Giriiga. Caasimada wadanka Awstriya waa Vienna.

Awstariya, carruurta iyo dhalinyarada waa la ilaaliyaa.

Awstriya, waxaa ku ilaalinaya booliiska. Halkan waad ku badbaadsan tahay.

Ma ka baqaysaa? Ma jiraa qof kuu hanjabayaa? Fadlan la hadal booliiska.

Dhibaatooyin ma jiraan? Su’aalo ma qabtaa?

Ma rabtaa macluumaad dheeraad ah? Ma jiraan wax ku saabsan habraaca magangalyadaada oo aadan fahmin? Ma jiraan qeybo ka mid ah habraaca magangalyadaada oo ka duwan waxyaabaha halkan lagu sharaxay? Taasi way dhici kartaa.

Fadlan la hadal qof aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan: lataliyahaaga sharciyeed, xubin ka tirsan shaqaalaha xeradaadaBBU ama qof ka socda hay’ad gargaar (Informationen über Rechtsberater findest du hier LINK).

Waxaad leedahay xuquuqo waana inaad ka warqabtaa. Waxaad heli kartaa caawimaad.

MACLUUMAADKA DHALINYARADA KA YAR 18 JIR
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa la taliyaha sharciga ee BBU

Hay’adaha gargaarka way ku caawinayaan wayna kula talinayaan.

Adressen findest du hier: Ciwaannada iyo ururada

Shaxda tusmada
U laabo dulmarka
Akhriska sii wad:
Tani waa BBU