Adiga iyo qoyskaaga

Sidee ku heli doontaa qoyskaaga mar kale?

Miyaadan garanayn halka ay joogaan waalidkaaga ama walaalahaa? Qoyskaaga ma yaqaaniin meesha aad joogto? Adeegga Baafinta Laanqayrta Cas ayaa ku caawin doona.

Sawirka waxa leh: Österreichisches Rotes Kreuz

Waa inaad codsi u qortaa Laanqayrta Cas si ay u raadiso qoyskaaga ama qaraabadaada. Dalabkan waxaa loo yaqaan ”codsiga raadraaca“. Wakiilkaaga iyo shaqaalaha daryeelkaaga ayaa kaa caawin doona inaad qorto codsiga raadraaca. Codsiga Baafinta Laanqayrta Cas wax lacag lagaagama qaadanayo.

Laanqeyrta Cas waxay sameyn doontaa intii karaankooda ah. Raadinta qoyskaaga waxay qaadan doontaa waqti badan, waa geedi socod gaabis ah. Waxaad sidoo kale adigu samayn kartaa wax: weydii dadka kale, waydii saaxiibada, waydii dadka waddankaaga.

Nasiib darro, Laanqayrta Cas had iyo jeer kuma guulaysato inay hesho dadka ay raadinayso. Ama jawaabtu waxay noqon kartaa mid murugo leh – haddii dadku dhinteen ama jiran yihiin.

Qoyskaagu ma imaan karaa Awstaria?

Kaliya caruurta iyo dhalinyarada baa dhiiban kara codsiga mideynta qoyska!

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR
Ma doonaysaa in waalidkaa ay kuu yimaadaan oo ay kugu soo biiraan? Waxaad xaq u leedahay inaad la noolaato waalidkaa. Tan waxa loo yaqaan ”mideyn qoys“. Waxaa jira shuruudo badan. Tusaale ahaan: Waxaad ku haysataa magangelyo ama ilaalintaada dheeraadka ah ee Awstaria ayaa la kordhiyey.
WARBIXIN LOOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR
Midaynta qoysku waa wax adag waxayna qaadan kartaa waqti aad u dheer. Aad bay muhiim u tahay inaad codsiga soo gudbiso saddex bilood kadib marka magangelyo laguu ogolaado. Lataliyahaaga sharciyeed ayaa kuu sharxi doona codsiga marka aad ka wada hadlaysaan go’aanka magangalyada.

Qoyskaagu waa inay codsi ka sameeyaan safaaradda Awstaria. Fadlan talo ka raadso mas’uulkaaga sharciyeed iyo Laanqeyrta Cas ee Awstariya taladaas oo ku saabsan mideynta qoyska, way ku caawin doonaan.

Halkan waxa aad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mideynta qoyska

 

Shaxda tusmada
U laabo dulmarka
Akhriska sii wad
Ciwaannada iyo ururada