Wareysiyada kadib

Wareysiyada kadib

Waraysiyadii waa dhamaaday. Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangelyada ayaa hadda shaqa galaya. Fadlan samir oo dulqaado. Waxay qaadan doontaa dhawr toddobaad ama bilo kahor inta aan go’aan la gaarin. Sugitaanku waa waqti ku adag carruur badan iyo dhallinyaro badan.

Maxaad samayn kartaa?
  • La hadal shaqaalaha daryeelkaaga. Saaxiibo sameeyso. Dadka u sheeg sidaad tahay.
  • Sameey waxyaabo aad ku raaxaysato.
  • Ka faa’iidayso wakhtiga oo baro wax cusub tusaale Af-Jarmal.
  • Aad dugsiga. Raadi tababar shaqo.

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada (BFA)

 

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada waa inuu u hoggaansamo sharciyo badan. Sharciga ugu muhiimsan waa “Heshiiska Qaxootiga ee Geneva”. Sharcigan ayaa sheegaya dadka ay tahay in magangalyo la siiyo. Magangelyo waxaa la siiyaa dadka khatar ugu jira dalkooda isla markaana aan ilaalo ku haysan halkaas.

 

  • Tusaale ahaan: Carruurta iyo dhallinyaradu la kulmaya dhibaatooyin waaweyn sababo la xiriira diintooda.
  • Tusaale ahaan: Wiilasha lagu qasbayo inay ku dagaalamaan hub.
  • Tusaale ahaan: Gabdhaha oo lagu qasbayo in ay guursato.
  • Tusaale ahaan: Gabdhaha oo lagu qasbayo in ay maraan gudniinka gabdhaha.

Go’aanka Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada waxaa boostada loogu soo dirayaa wakiilkaaga. Go’aanku wuxuu noqon karaa mid togan ama mid taban.

la taliyaasha sharci ee BBU ayaa kuu sharaxeysa waraaqada go ´aanka.

WARBIXIN LOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR
  • Ma jeclaan lahayd inaad si sax ah u ogaato waxa uu dhigayo “Heshiiska Qaxootiga ee Geneva? Weydii wakiilkaaga.
  • Wakiilkaagu ayaa kuu sharxi doona go’aanka.

Ma heshay go'aan togan?

Carruurta iyo dhalinyerada qaarkood waxay helaan “großes Asyl” [magangelyo weyn] ama “helitaanka baasaboor”.

Awstaria waxay ku siinaysaa magangalyo.

Magangelyo macnaheedu waa:

  • Waxaa laguu oggol yahay inaad joogtid Awstaria.
  • Waxaa lagu siinayaa xaqa deganaanshaha Awstaria ilaa 3 sano. 3 sano kadib: Wali khatar ma ugu jirtaa dalkaagii? Kadibna waxaa lagu siin doonaa xuquuq aan xadidneyn oo degenaansho ah.
  • Waa laguu oggol yahay inaad shaqeyso.
  • Waxaad heli kartaa baasaboor, loo yaqaan “Konventionspass” ama “dukumentiga socdaalka qaxootiga”. Waxaad ku safri kartaa baasaboorkan.
WARBIXIN LOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR

Ilaalinta dheeraadka ah

Carruurta iyo dhallinyaradu qaarkood waxay u yaqanaan ”magangelyo yar“, ”fiiso“ ama ”farqadda 8“.

Ilaalinta dheeraadka ah waxaa la siiyaa dadka aan ku badbaado qabin wadankooda hooyo.

  • Tusaale ahaan: Waxaa dalka ka jira khatar dagaal sokeeye iyo dhimasho.
  • Tusaale ahaan: Carruurta iyo dhallinyaradu waxay qabaan cudur halis ah, laakiin daawo kama heli karaan dalkooda hooyo.

Ilaalinta dheeraadka ah micnaheedu waa:

  • Waxaad xaq u leedahay inaad Awstiriya deganaato. Waxay shaqeysaa oo keliya ilaa 1 sano. Waa la kordhin karaa. Wakiilkaagu waa inuu sameeyaa codsiga. Fadlan weydii wakiilkaaga. Haddii aad jirto 18 sano, waa inaad adigu samaysaa codsiga. Waa inaad codsiga soo gudbisaa kahor intaysan dhamaan xilligaaga degenaanshaha. Waxaa laga yaabaa markaas in lagu siiyo 2 sano oo xuquuq degenaansho ah.
  • Waa laguu oggol yahay inaad shaqeyso.
  • Waxaad heli kartaa baasaboor, loo yaqaan ”Fremdenpass“ [baasaboor shisheeye]. Waxaad ku safri kartaa baasaboorkan.
WARBIXIN LOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR
  • Qofka kaa masuulka waa inuu kuu xareeya faylka. Fadlan weydii waqti fiican.
  • Xaquuqdaada degenaanshaha ma loo kordhin karaa ilaa 3 sano markaas kadib? Haddii aad ka yar tahay 18 jir, waxaad keeni kartaa waalidkaa inay kugu soo biiraanholen (Warbixin badan halkan).

Ma rabtaa "magangelyo"?

Fadlan la hadal  BBU-Lataliya sharci ama qofka ku masuulka ka ah aad tahay 18 sano ka yar. Waxay kugu caawin karaan iney kuu qoraan rafcaan sidoo kalana maxkamada u gudbiyaan. Waxaad haysataa 4 toddobaad oo keliya Si aad u gudbiso cabashada. Waxaad u baahan doontaa inaad haysato ilaalinta dheeraadka ah wakhtigan.