Wareysiyada lagaa qaadanayo ka dib imaatinkaada

Waddada safarka iyo da'da

Kahor waraysigaaga, booliisku waxay kaa qaadi doonaan sawir iyo calaamadaha faraha ee 10-ka farood.

Ha baqin.

Farahaaga waxa lagu kaydinayaa kumbuyuutarka. Qofku wuu bedeli karaa magaciisa, laakin faraha ayaa had iyo jeer isku mid ah qof walba. Dhammaan waaxyaha booliiska Yurub way wada shaqeeyaan. Waxay isku barbar dhigaan faraha ku kaydsan kombiyuutarka. Boolisku waxay isla markiiba arki karaan in qof uu soo joogi jirey waddan kale. Habraaca Dublin ayaa bilaabmaya, es wird auch manchmal das Zulassungsverfahren genannt.

Booliska tus dhammaan dukumeentiyadaada/waraaqahaaga. Tusaale ahaan: baasaboor, waraaqaha dhakhtarka, warbixinnada dugsiga, sawiro. Booliisku way u baahan yihiin macluumaadkan. Booliisku wuxuu hubin karaa dukumentiyadaada iyo waraaqahaaga.

Boolisku wuxuu ku weydiin doonaa su’aalo, tusaale ahaan waxyaabaha ku saabsan:

  • Guriga/ dalkaaga
  • Qoys/ qaraabada
  • Dhalashada/ da’ada
  • Wdadada/ safarka/ wadamada

Uga jawaab dhamaan su’aalaha sida aad u awoodo. Ma jirtaa jawaab aanad garanayn? Dheh ”ma aqaan“. Kaliya sheeg waxa aad hubto. Taasi waa caadi.

Fadlan runta sheeg.

Ma jiraa qof kuu sheegay waxa ay tahay inaad sheegto? Tusaale ahaan qofka ku keenay Awstaria? Macluumaadka laga helo dadkan inta badan waa been. Fadlan booliiska u sheeg sheekadaada runta ah. Fadlan u sheeg waxaad taqaan. Booliiska u sheeg dadka kuu sheegay waxaad oran lahayd. 

Dhammaadka waraysiga aad la yeelanayso booliiska, diiwaanka/ qoraallada ayaa kor laguugu akhrin doonaa (Warbixinta borotokolka). Turjubaanka ayaa si sax ah kuu sheegi doona waxa uu ku hadlayo. Si fiican u dhegeyso.

Wax walba oo diiwaanka ku qoran ma sidaad u sheegtay baa loo qoray?

Kaliya saxiix haddii aad hubto inay sax yihiin. Wareysiyo kale ayaad goor dambe yeelan doontaa. Dhammaan waraysiyadaada ayaa la isku barbar dhigi doonaa.

Waxaad heli kartaa koobiga diiwaanka. Weydii koobiga diiwaanka.

Booliiska Awstaria

© BMI Gerd Pachauer

Marka la joogo Awstaria, booliisku waxay qabtaan hawlo kala duwan. Ma codsatay magangalyo? Booliisku waxay qori doonaan magacaaga, waxay ku weydiin doonaan su’aalo ku saabsan jidka aad ku soo safartay waxayna kaa qaadi doonaan farahaaga. Hay’ad ka duwan – Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada – ayaa go’aan ka gaari doona codsigaaga. Laakiin way ogyihiin waxaad u sheegtay booliiska. Boolisku wuxuu sidoo kale wax ka qabtaa dembiyada.

Sawir: © BMI Gerd Pachauer

Haddii uu qof kugu sameeyo wax xun – ku garaaco, wax kaa xado, ku handado, kugu qasbo inaad shaqeyso – fadlan u tag booliiska. Way ku caawin doonaan. La hadal betrooyahaaga.

WARBIXIN LOGU TALAGALAY  DHALINYARADA  18 SANO KA YAR
  • Haddii aad 18 sano ka yartahay la hadal betrooyaha kuu qaabilsan ama taranfeerka ka dib dadka kaa mas´uulka ah
  • Waa maxay ka ganacsiga carruurta? Carruurta iyo dhallinyarada waxa lagu qasbaa inay shaqeeyaan, tuugsadaam, wax xadaan ama iibiyaan galmada. Ka ganacsiga carruurta waa mamnuuc. Dhammaan carruurta iyo dhalinyerada waxa ilaaliya sharciga. Fadlan sheeg haddii lagugu qasbay inaad qof u shaqeyso. Boolisku waxa uu caawiyaa carruurta iyo dhallinyarada.

 

Macluumaad muhiim ah

Ka qaadista lacagta

Booliisku waxa ay eegi karaan inta lacag ah ee aad haysato marka aad timaado Awstaria. Haddii aad haysato wax ka badan 120 Yuuro, booliisku waxa ay kaa qaadi karaan inta kale; Waxa kaliya oo loo ogol yahay inay kaa qaadaan ugu badnaan 840 yuuro. EUR 17 ayaa lagaa jarayaa maalin kasta oo aad joogto xerada. Marka lagu geeyo hoygaaga cusub, waxa laguu soo celin doonaa wixii lacag ah ee kuu soo haray. Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto arrintan, la xiriir la taliyahaaga sharciyeed.

Ka qaadista taleefannada gacanta

Booliisku waxaa ay sidoo kale kaa qaadi karaan taleefankaaga gacanta si ay u hubiyaan qofka aad tahay iyo sida aad ku timid Awstaria. Booliska waxaa loo ogolyahay kaliya inay sidaas sameeyaan haddii aadan haysan wax dukumeenti ah oo aad kaga jawaabto su’aalahan. Sidoo kale waa inay ku soo celiyaan taleefanka gacanta isla marka ay hawshooda ka dhamaystaan. Haddii aad su’aalo ka qabto arrintan, u tag la-taliyahaaga sharciyeed.

Miyaan u baahanahay inaan Af-Jarmal ku hadlo?

Waxaad ku hadli kartaa luqadaada. Wareysi kasta waxaa jooga qof turjubaan ah. Turjubaanadu waxay ku hadlaan luqadaada iyo Af-Jarmalka. Waxay Af-Jarmal sida saxda ah ugu sheegayaan waxaad ku sheegto luqadaada. Waxay kuu sheegayaan waxa saxda ah ee uu milkiilaha/waraysi-qaadaha uu ku waydiiyay. Turjubaanadu waa dhexdhexaadiyayaal luqadeed, maaha garsoorayaal. Turjubaanada looma ogola inay sheegaan ra’yigooda. Turjubaanadu waa inay dhexdhexaad ahaadaan. Turjubaanada looma ogola inay wadaagaan wax macluumaad ah. Miyaadan fahmin turjubaanka? Miyey kula tahay inuusan si sax ah u turjumayn? Turjubaanka miyuu ku cabsi geliyaa? Fadlan isla markiiba sheeg. Ma jiraan cawaaqib xumo aad kala kulmayso.

Habraacaaga magangelyada ma ka dhici doontaa gudaha dalka Awstariya?

Qiimaynta go’aanka ah in habraacaaga magangalya doonimada ka dhici doono Awstaria waxa loo yaqaan Zulassungsverfahren [habraaca gelitaanka]. Sharciga qeexaya xeerarkan waxa lagu magacaabaa Xeerka Dublin.

WARBIXIN LOGU TALAGALAY  DHALINYARADA  18 SANO KA YAR
  • Sharciga wuxuu dhigayaa in carruurta iyo dhallinyaradu ay la noolaadaan qoyskooda iyo qaraabadooda. Hooyadaa, aabbahaa, walaashaa, walaalkaa, eeddadaa ama adeerkaa ma ku nool yihiin waddan ka tirsan Midowga Yurub? Ma doonaysaa inaad baxdo oo aad la joogto qofkaas? Fadlan u sheeg la taliyahaaga sharciyeed iyo Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada. Dalkee ayay reerkaagu / qaraabadaadu ku nool yihiin? Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada ayaa wadankan waydiin doona in uu masuul ka yahay habraacaaga magangalyada.
  • Fadlan HA sii wadin safarkaaga kaligaa, xitaa haddii sugitaanka uu wakhti dheer qaadanayo. Tani waa khatar.

 

Mararka qaarkood, inta lagu jiro habraaca qaabilaada/ gelitaanka, waxaad heli doontaa ballan ay waraysi kugula yeeshaan Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada.

Ma rabtaa wax aad cabto? Ma u baahan tahay nasasho? Fadlan sheego. Ma jirran tahay? Fadlan sheego.

  • Wasaaradda Federaalka waxa laga yaabaa inay ku waydiiso mar kale wadada aad ku soo safartay ama da’daada, ama qoyskaaga.
  • Haddii aad hore magangelyo uga heshay waddan kale, Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada ayaa hubin doona inaad halkaas ku noqon karto iyo in kale. Haddii aadan sidaas rabin, fadlan u sheeg sababta dhabta ah ee aad u diiday.

Waa maxay Midowga Yurub (EU)?

Midowga Yurub waa koox ka kooban 27 wadan oo Yurub ah. Midowga Yurub waxa kale oo loo yaqaan ”EU“ marka la soo gaabiyo. Wadamadaas waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan oo ay is caawiyaan.