Ma heshay go'aan taban?

Ma heshay go'aan taban?

 

Ma aaminsantahay in go’aanka Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada uu yahay mid qaldan? Adiga iyo wakiilkaaga waxaad cabasho u qori kartaan si wadajir ah idinkoo u gudbinaya Maxkamadda Maamulka Federaalka. Geh zur BBU-Rechtsberatung, sie erklärt dir alles.

Waxaad haysataa 4 toddobaad oo keliya inaad cabasho soo gudbiso.

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY DHALINYARADA 18 SANO KA YAR
  • Haddii aad ka yaratay 18 sano waa in qofka kaa masuulka ah inu ku qora rafcaanka, dhakhsi ugu tag, qofka kaa masuulka kuu sharaxaya kuna caawinaya.

Maxkamadda maamulka ee federaalku waxa ay qabato

Maxkamadda maamulka ee federaalku waxay dib u eegi doontaa kiiskaaga mar kale. Maxkamadda maamulka ee federaalku waxay ku waydiin kartaa inaad ka soo xaadirto waraysi kale. Ballantan waxa loo yaqaan ”Verhandlung“ [dhageysi]. Waxay la mid tahay waraysiyada uu qaado Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada. Garsooraha Maxkamadda Maamulka Federaalka ayaa dib u eegi doona kiiskaaga. Turjubaan ayaa mar kale ku caawin doona.

Sawirka waxaa leh: Harald A. Jahn

Garsooruhu wuxuu ku weydiin doonaa su’aalo badan mar kale. Wuxuu rabaa inuu fahmo sababta aadan ugu laaban karin dalkaagi hooyo. Waa muhiim inaad ka jawaabto su’aalahan mar kale. Haddii wax uu garsooruhu sheego ay khaldan yihiin, waa inaad sharaxdaa. Kala hadal la taliyahaaga sharciyeed.

Go'aamo noocee ah ayaa suurtagal ah in la gaaro?

  • Maxkamadda Maamulka ee Federaalku waxay go’aamisay in Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada uu u baahan yahay inuu si dhow u baaro kiiskaaga. Waxaad go’aan cusub ka heli doontaa Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada.
  • Maxkamadda Maamulka ee Federaalku waxay go’aamisay in go’aanka Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada uu ahaa mid khaldan. Kadibna waxaa lagu siin doonaa xuquuq degenaansho. Tani waxay noqon kartaa magangalyo ama nooc kale oo ilaalin ah.
  • Maxkamadda Maamulka ee Federaalku waxay go’aamisay in go’aanka Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada uu yahay mid sax ah. Habraacaaga magangelyada ee Awstaria markaas wuu dhammaaday.

 

Go'aanka ka yimid Maxkamadda Maamulka Federaalka ma yahay mid taban?

Cabashada

Kala hadal la-taliyahaaga sharci. Mararka qaarkood, waxaa macno samaynaysa in loo dacwoodo Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Maamulka. Way adag tahay; xeerarku aad bay u adag yihiin. Waxaad u baahan doontaa caawimaad qareen si aad u gudbiso cabashadan. Qareenku wuxuu haystaa 6 toddobaad si uu u qoro cabashada.

Iska Noqoshada ikhtiyaariga ah

Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad ku laabato dalkaagi. Kani waa go’aan weyn. Kala hadal mas’uulkaaga sharciyeed. Waad ku noqon kartaa dalkaagii hooyo, haddii mas’uulkaaga sharciyeed kuu ogolaado, haddii ay adiga kuu fiican tahay. La hadal la taliyahaaga sharci sidoo kale.

Waxaad heli kartaa caawimaad la xiriirta noqoshadaada.

La xiriir xarunta latalinta noqoshada ee BBU xarunta latalinta noqoshada BBU si aad wax badan uga ogaato: rueckkehr@bbu.gv.at.

Ma ku jirtaa xero BBU? Markaas waxaa xeradaada imaan doona lataliyayaasha ku noqoshada dalkaagii. Weydii daryeelahaaga, ”Goormuu lataliyaha xagga laabashada imaan doonaa xerada?“

Maxay tahay xabsi gelinta lala sugayo musaafurin? Waa maxay ”Gelinderes Mittel“ [beddelka xabsi gelinta]?

Xabsi gelinta lala sugayo musaafurinta waxaa looga jeedaa xiritaan. Xabis gelinta lala sugayo masaafurinta waxaa loogu talagalay dadka ay tahay inay ka baxaan Awstaria. Ha baqin. Carruurta iyo dhallinyarada inta badan lama geliyo xabsi inta la sugayo masaafurin.

Ma u xiran tahay sugitaanka masaafurinta? Fadlan si degdeg ah ula xiriir lataliyahaaga sharciyeed ama wakiilka. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad soo gudbiso cabasho.

Beddelka xabsi geynta macneheedu waxa waaye inaysan khasab ahayn in lagugu xiro xabsi inta la sugayo masaafurinta.
Beddelka xabsi geynta macneheedu waxa waaye inaad si joogto ah iskaga xaadiro booliiska.

Boggii hore:
Waraysiga ka dib
Shaxda tusmada
U laabo dulmarka
Akhriska sii wad:
Adiga iyo qoyskaaga